D. Goboleedyada oo la wareegayo hogaanka iyo Baarlamaanka oo lakala dirayo

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

 

Sida ay warkii.com u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay, ujeedada ugu wayn ee kulanka dhawaan la filayo in ay isugu yimaadaan madaxda dowlad goboleedyada ayaa  ah in ay madaxda dowlad Goboleedyadu la wareegaan geedi socodka siyaasada dalka, gaar ahaan arimaha siyaasadda.

Sida warkii.com horay idinkuugu soo tabisay, waxaa la aas-aasi doonaa National Leadership Forum kaas oo gabi ahaanba noqonayo hay’adda ugu sareeysa dalka ee ka ariminayso geedi socodka siyaasadda dalka . Madashaan ayaa waxaa si isku mida u hogaamin doona madaxda dowlad goboleedyada iyo dowlada Fedaraalka oo wada siman.

Go’aankastaa ee la qaataana waxaa uu ku imaan doonaa is-qancin iyo isku-tanaasul siyaasadeed, Farmaajo waxa ay awoodiisa siyaasadeed la mid noqonaysaa tan Axmad Madoobe ama Maxamed Waare.

Sidii sanadkii 2016, waxaa gabi ahaanba hawada ka baxayo doorkii baarlamaanka iyo Aqalka Sare, mana loo baahnaan doono in ay shiraan wixii ka danbeeya bisha Juulaay. Xubnaha Baarlamaanka ayaana  ku qasbanaan doona in ay dib ugu noqdaan meelihii lagu soo doortay oo ay u diyaargaroobaan doorasho.

Qorshahaan ayaa waxa uu ceel dheer ku ridayaa rajadii Farmaajo oo ahayd in dib loo soo doorto, sidii kale waxa meel cidla ah soo istaagi doona beesha Mariixaan  oo magacooda lagu galay godob  siyaasadeed, gaar ahaan shacabka ku dhaqan Gobolka Gedo.

.fb_iframe_widget_fluid_desktop iframe {
width: 100% !important;
}

The post D. Goboleedyada oo la wareegayo hogaanka iyo Baarlamaanka oo lakala dirayo appeared first on Muqdisho Online. Caasimada Muqdisho.

Source: warkii.com

Sports News
WARARKII