Cristiano Ronaldo oo soo gaaray Hotel-ka Lowry ka hor Kulanka Newcastle United ee Premier League

Xiddiga Ronaldo ayaa qarka u saaran inuu markii ugu horeysay u safto Manchester United in ka badan laba iyo toban sannadood ka dib markii uu markii hore ka tagay kooxda isagoo ku biiray Horyaalka Spain.

Cristiano Ronaldo ayaa lagu sawiray isagoo soo gaaray Lowry Hotel isaga iyo saaxiibadiisa kale ee Manchester United iyadoo xiddiga reer Portugal uu isku diyaarinayo inuu safto kulankiisii ​​labaad ee Old Trafford in ka badan toban sano.

Ciyaaryahankii hore ee Real Madrid iyo Juventus ayaa si lama filaan ah ugu soo laabtay kooxda dhammaadkii suuqii xagaaga, waxaana uu haatan isku diyaarinayaa inuu mar kale xirto maaliyadda gaduudan ee caanka ah iyadoo lambarka toddobaad uu xirandoono, si uu ula ciyaaro Newcastle United.

Xiddiga reer Portugal ayaa isbuucaan tababarka la qaadanayay saaxiibadiisa cusub markii ugu horeysay tan iyo markii uu soo laabtay soo laabashadiisa, isagoo ka tagay kooxda reer Talyaani ee Juventus kadib seddex sano oo uu joogay Turin.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com