Cristiano Ronaldo oo lagu Canaantay Dhaqan Xumo uu sameeyay Xalay

Halyeygii Manchester United ee Rio Ferdinand ayaa ku cadhooday Cristiano Ronaldo intii ay socotay kulankii guul-darrada ee Young Boys, gaar ahaan markii la beddelay ee uu dibedda u baxay, isagoo ka dalbaday tababare Ole Gunnar Solskjaer inuu kursiga kaydka fadhiisiyo.

Ronaldo ayaa markii uu baxay gaar ahaan daqiiqadihii u dambeeyey waxa  uu isku dayay inuu qaato shaqada tababaraha, isagoo laynka soo istaagay, isla markaana ciyaartoyda kooxda  siinayay tilmaamo.

36 jirkan oo dhaliiyey goolka madiga ah ee Manchester United kulankii xalay ay guul-darradu kasoo gaadhay ee Young Boys ay kaga badisay 2-1, waxa la saaray qaybtii dambe maadaama  uu go’doon ku noqday afka hore  ee weerarka.

United ayaa waxa awooddeeda wiiqay kaadh cas oo toos ahaa  oo la siiyey Aaron Wan-Bissaka kahor intii aan loo bixin waqtiga nasashada, iyadoo kooxda garoonkeeda lagu ciyaarayay ay goolka barbarraha heshay qaybta  dambe, halka dhamaadkiina uu Jesse Lingard uu hadiyad ku bixiyey kubaddii goolka labaad ee Young Boys.

Daqiiqadii 72aad markii uu Ronaldo baxay, waxa Solskjaer uu u muuqday inuu difaac gelayo, laakiin Ronaldo ficillada uu samaynayay ee ahaa inuu soo istaagay laynka sida tababaraha oo kale isagoo tilmaamo siinayay ciyaartoyda.

Rio Ferdinand oo arrintan dhibsaday ayaa yidhi: “Haddii aan ahaan lahaa tababaraha, waxa aan u sheegi lahaa Ronaldo inuu fadhiisto.”

Peter Crouch oo ag-fadhiyey ayaa isaguna  ku raacay hadalkaas, waxaanu yidhi: “Haddii aan aniguna kaydka fadhiyi lahaa, waxa aan u sheegi lahaa inuu fadhiisto. Laakiin isagu waa Cristiano, waa inaynu u ogolaano inuu sidaa sameeyo.”

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com