Cristiano Ronaldo oo Lacago dheeri ah Helayo hadii uu buuxiyo 3 Sharuudood oo heshiiska qeyb ka ah

Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa heli doono lacago kale oo waalli ah oo ka baxsan mushaharka uu ka qaato Manchester United, taas oo ay kaga xidhan yihiin inuu buuxiyo saddex shuruudood.

Ronaldo oo heshiis laba sannadood ah u saxeexay Manchester United kaddib 12 sannadood uu kaga maqnaa kooxaha Real Madrid oo uu sagaal sannadood  u ciyaaray iyo Juventus oo uu saddex sannadood  ku qaatay, waxa heshiiskiisa United uu dhigayaa in toddobaadkii uu mushahar ahaan u qaato £475,000 Gini, waana mid  ka hooseeya lacagtii uu ku qaadan jiray Juventus.

36 jirkan waxa heshiiskiisa Manchester United lagu daray saddex qodob oo uu ku heli karo lacago aad uga badan mushaharooyinkiisa, laakiin waa shaqo adag oo haddii uu kasoo baxo ay kooxdana u rumoobayso riyooyinkeedii ahaa inay guulo gaadho.

Sida ku cad heshiiska, Ronaldo ayaa heli doona lacag gaadhaysa £1 milyan oo Gini haddii uu midkood uun ku guuleysto saddexdan:

  • In Manchester United uu kula guuleysto Champions League
  • Haddii uu ku guuleysto abaal-marinta Ballon D’or
  • Haddii uu ku guuleysto abaal-marinta xiddiga Yurub ee ‘UEFA Player of the Year’.

Laacibkan oo kooxdiisii hore ee Juventus ka qaadan jiray mushahar lagu sheegay £900,000 Gini toddobaadkii, waxa shuruudahan saddexda ah ee ay Man United ku xidhay si uu u helo lacag 1 milyan oo Gini oo gunno dheeraad ka ah mushaharkiisa, ay noqonayaan kuwo haddii uu buuxiyo ay kooxduna gaadhayso guulo.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com