Cristiano Ronaldo oo ku biiray Tababarka kooxda Manchester United

Cristiano Ronaldo ayaa dib ula midoobay Ole Gunnar Solskjaer booqashadiisii ​​ugu horeysay ee uu ku soo laabtay xerada tababarka Manchester United wuxuuna ka qeyb qaatay kulan uu la qaatay saaxiibadiisa cusub Talaadadii maanta.

36 jirkaan ayaa si lama filaan ah uga soo laabtay kooxda ka hor fasaxa xulalka laakiin wuxuu ku jiray karantiil ka dib markii uu la yimid qoyskiisa magaalada Manchester khamiistii la soo dhaafay.

Ronaldo ayaa dib ugu soo laabtay xerada tababarka United Talaadadii wuxuuna la kulmay Solskjaer, kaasoo uu ka garab ciyaaray intii uu joogay Old Trafford.

Ronaldo ayaa sidoo kale la kulmay qaar ka mid ah saaxiibadiisa cusub ee Man United kuwaas oo aan matalin xulkooda qaranka intii lagu jiray fasaxa xulalka waxayna ka qeyb qaateen kulan fudud.

Muuqaal kooban oo ay soo saartay United, Ronaldo ayaa lagu arkay isaga oo u socdaalaya tababarka isaga iyo Juan Mata.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Source: warkii.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here