Cristiano Ronaldo oo ka Hadlay Guushii Xalay Isagoo Sameeyay Balan-qaad Cusub

Cristiano Ronaldo ayaa ka Hadlay Guusha United kulankii Villarreal isagoo sheegqy in ay tahay sababta uu ugu soo laabtay kooxda.

Xidiga reer Portugal ayaa sii waday inuu isku muujiyo Kooxda Red Devils isagoo dhaliyay gool daqiiqadii 95-aad si uu uga dhigo 2-1 Champions League kulan ay ka badiyeen kooxda reer Spain.

Guusha soo daahay ayaa Man United ka badbaadisay inay lahaato hal dhibic labadii kulan ee furitaanka group -kooda, wuxuuna ahaa goolkii shanaad ee Ronaldo shan kulan oo uu saftay xilli ciyaareedkan.

Taageerayaasha Old Trafford ayaa aad u jeclaa maadaama geesigoodu uu guusha gaarsiiyay inkasta oo inta badan uu ahaa shaqsi aan sameenin dhaq dhaqaaq badan.

‘Tani waa sababta aan u soo laabtay – aad baan u tabay kooxdan,’ Ronaldo ayaa u sheegay BT Sport.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com