Cristiano Ronaldo iyo Romelu Lukaku: Yaa ku guuleysanaya Gool dhalinta Horyaalka Premeir League

Cristiano Ronaldo iyo Romelu Lukaku ayaa xagaagan kusoo laabtay horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League iyagoo ka yimid Talyaaniga oo ay sannadihii ugu dambeeyey ka ciyaarayeen. Ronaldo waxa uu Juventus u ciyaaray saddex sannadood halka uu Lukaku laba sannadood kusoo qaatay Inter Milan.

Xilli ciyaareedkan, waxa  uu mid walba hoggaamin doonaa afka hore ee kooxdiisii ugu horreysay ee uu kasoo galo horyaalka Premier League oo uu dib ugu laabtay.

Ronaldo waxa laga sugayaa inuu xalliyo dhibaatooyinkii afka hore ee Manchester United oo Edinson Cavani, Marcus Rashford, Anthony Martial iyo Mason Greenwood ay hore u joogeen laakiin aanay dhalinin goolashii laga filayay

Lukaku ayaa isaguna yimi Chelsea oo ay weeraryahano la’aani haysay, isla markaana xilli ciyaareedkii hore ay ku fashilmeen Timo Werner iyo Kai Havertz oo aan la imanin goolashii laga doonayay.

Xiddigaha reer Portugal iyo Belgium ayaa waxa uu mid walba hormood  ka noqonayaa mashruuc la rumaysan yahay in qaybtiisu ka maqnayd, waxaana u taalla shaqo adag oo ah inay dhaliyaan goolal badan.

Dhaliyeyaashan ayaa xilli uu horyaalku bilow yahay, waxa la is-weydinayaa midkooda goolal badnaan doona, sababtoo ah xilli ciyaareedkii hore waxay ku tartameen goolasha Talyaaniga oo uu ku guuleystay Cristiano Ronaldo.

Darren Bent ayaa su’aashan ka jawaabay, waxaana uu sheegay in Romelu Lukaku uu ka goolal badnaan doono Manchester United, isagoo yidhi: “Xilli ciyaareedkan waxa goolal badnaanaya Lukaku. Sababtoo ah, marka aad eegto Chelsea iyo goolasha ay helayaan, waxay ila tahay inuu goolal badan dhalin doono Lukaku.”

Waxa uu intaa ku daray: “Waynu ognahay sida uu u wanaagsan yahay Ronaldo, laakiin Mason Greenwood ayaa goolasha dhalinaya, Fernandes iyo Rashfrod ayaa dhalinaya. Waxa jooga Cavani. Qaarkood ayaa laga yaabaa in aanay ciyaarin ba. Laakiin haddii uu Lukaku taam ahaado, kulan kasta wuu ciyaari doonaa.”

Bent waxa kale oo uu sheegay in Ronaldo aanay da’diisu u saamixi doonin inuu si joogto ah u ciyaaro, waxaanu yidhi: “Waxa laga yaabaa in Ronaldo aanu ciyaar walba kusoo bilaabanin.”

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Source: warkii.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here