Cristiano Ronaldo iyo Qoyskiisa oo soo dhaweyn loogu sameeyay Magaalada Manchester United

Xidiga Cristiano Ronaldo iyo Qoyskiisa ayaa ka dagay Magaalada Manchester United Halkaasi oo loogu sameeyay soo dhaweyn qaas ah.

Xidigan ayaa gaaray Halkaasi ka hor waqtiga loo qorsheeyay sida ay Ku cadeesay qeybta Instagram Georgina Rodriguez oo ah Xaaska Ronaldo.

Soo laabashadii cajiibka ahayd ee Cristiano Ronaldo ayay Manchester United si rasmi ah ugu dhawaaqday maalintii ugu dambaysay iyadoo xiddiga reer Portugal uu ka tagay Juventus si uu dib ugu laabto Old Trafford.

Ronaldo waxaa Red Devils ku biiray 2003 -dii isagoo ka yimid Sporting Lisbon wuxuuna isku muujiyay masraxa adduunka ka hor inta uusan u dhaqaaqin Real Madrid 2009.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Source: warkii.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here