Coutinho Oo Ku Dhaawacmay Kulankii Valencia Xilli Ay Jirto Cabsi Ah In Uu Seego Coppa America

0

Philippe Coutinho ayaa ku dhaawacmay kulankii xalay ee ay Finalka Cope Del rey ee ay la ciyaareen kooxda Valencia

Kulankaas ka dhacay magaalada Sevilla ayaa waxaa Barcelona looga qaaday koobka 2/1 xilli Barcelona guud ahaan kulankaas ay hayeen maamulka

Goal.com ayaa sheegeysa in Philippe Coutinho uu ka baxay garoonka isaga oo ka sheeganaya dhaawac jilibka ah

Barcelona weli war kama soo saarin xaaladiisa oo ku aadan heerka uu gaarsiisan yahay dhaawaca waxaan la filayaa in axadda ka hadlaan .

Warar hor dhac ah ayaa sheegaya in ay jiraan cabsi ah in laacibka uu qarankiisa kala qeyb gali waayo koobka Coppa America

Tartankaaas ayaa bilaabanaya 15-ka bisha June waxa uuna ka dhacayaa dalka Barzil

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here