Ciidanka Xoogga Oo Al-Shabaab Kala Wareegay Deegaano Hor Leh

0

Wararka Warkii online ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyso Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi saakay uu dhacay dagaal xoogan oo u dhexeeyay Ciidamada Xoogga dalka iyo dagaalamayaasha Al-shabaab.

Dagaalkan waxaa uu ka dhacay deegaano hoostaga Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose,isla markaana waxaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaalkaas,waxaana Ciidamada Xoogga dalka ay kula wareegeen deegaano hor leh oo hoostaga Magaalada Marka sida Goordhow ay baahisay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA.

Dadka deegaanka ayaa waxaa ay sheegayaan in Khasaaro uu ka dhashay dagaalka,kaasi oo soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamay,in kastoo aan si dhab ah loo xaqiijin karin inta uu la egyahay.

La sooco wixii kusoo kordha Wararkan Insha Allaaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here