Ciidanka Puntland oo rayid ku laayay Gaalkacyo & arrin culus oo ka taagan

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka Magaalada Gaalkacyo ayaa beeniyay in weerarkii xalay ka dhacay Gaalkacyo Ciidanka Puntland ay la beegsadeen Koox ka ganacsada waxyaabaha Maanka dooriya.

Odayaashu waxay sheegeen in iska hor-imaadka ka dhacay xaafadda Garsoor ee Magaalada Gaalkacyo  uu ahaa mid lagu beegsaday dad Rayid ah oo halkaas degganaa kuwaas oo sida ay tilmaameen loo adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan islamarkaana khasaare naf iyo maal la gaarsiiyay.

Sidoo kale waxay beeniyeen in Kooxo Khamriga ka ganacsada ay ku jireen Xaafadda la weeraray iyagoo xusay in dadka iska hor-imaadkii xalay ku dhintay ay ahaayeen Culimo iyo Aqoon-yahanno Xaafadda ku noolaa.

Odayaasha iyo waxgaradka ayaa sidoo kale maamulka Puntland ugu baaqay in ay jawaab iyo Raalli-gelin deg deg ah ka bixiso wixii halkaas ka dhacay si loo dejiyo Dadkii Eheladooda dhibku gaaray loona xaqiijiyo Nabadda iyo Xasiloonida.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII