Ciidanka Liibiya oo heegankii ugu dambeeyay la galiyay iyo furashada magaalada Sirta

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Sargaal sare oo ka tirsan ciidamada Liibiya u qaabilsan Howgalada Magaalooyinka Sirta iyo Al-Jufra laguna magacaabo Sarreeye Guud General Abdul-Hadi Dara ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada dowladda Liibiya ay diyaar u yihiin sidii ay ku furan lahaayeen Magaalada Sirta oo ay sugayaan amarada ka imanaya hoggaanka siyaasadeed.

Afhayeenkaan ayaa sheegay in heegan buuxa ku jiraan kaliyana ay sugayaan Amarka hogaanka dowlada si ay bilaabaan dagaalka ay kula wareegayaan magaalada Sirte oo qiyaastii 450 KM dhanka bari kaga beegan Caasimada Tripoli, waxaana hadaladaasi ay ku soo aadayaan xilli ciidamada Masar ay ka sameynayaan layliyo militari xadka ay la wadaagaan Liibiya dhankoodana heegan ugu jiraan sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dagaalka Liibiya hadii lala wareego Sirta iyo Al-Jufra oo uu madaxweynaha Masar Cabdil-Fataax Al-Siisii ku tilmaamay iney yihiin Khad guduudan.

Ciidamada xukuumada Liibiya oo garab weyn ka helaayo Turkiga ayaa howgalo dalka looga sifeynaayo Maleeshiyaadka Janaral Khalifa Xaftar ka bilaabay Caasimada Liibiya dhowr bilood kahor ayagoona ku guuleystay in ay warkii.com ka saaraan sidoo kalana magaalooyin badan oo ay ugu horeyso Tarhuuna kala wareegaan, balse dhawaanahaan waxay hakiyeen weeraradii iyo howgaladii ay ku sifeynayeen Maleeshiyaadka Khalifa Xaftar iyo Burcadda garabka siisa ee Wegner Group.

Arintaan hakadka ayaa waxaa ugu wacan ayagoo doonayo sidii ay u saldhigan lahaayeen magaalooyinkii ay furteen kahor inta aysan magaalooyin kale furanin.

Dhanka kale Burcadda Ruushka ee Wegner Group iyo maleeshiyaadka Khalifa Xaftar ayaa dhankooda diyaar garowgii ugu dambeeyay ku jiraan waxaana suuro gal ah in waqti kasta uu halkaasi ka dhici karo iska hor imaad culus xilli beesha caalamka ay ku baaqday inaan Liibiya laga hurinin dagaal cusub oo hor leh taas badalkeedana miiska wadahadalka la isugu yimaado.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII