Ciidanka Danab oo rag ku eedaysan inay la shaqeynayeen Al-Shabaab ku qabtay deegaan hoos taga Xarar-dheere

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan kuwa Danab ayaa waxaa lasoo sheegayaa in saakay ay hawlgallo ka wada deegaanka Camaara ee koonfurta gobolka Mudug, waxayna Camaara iyo deegaano hoos taga kasoo qabteen dad la la sheegay inay la shaqeynayeen dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Ciidanka Danab oo saakay aroortii gudaha u galay deegaanka Camaara, ayaa soo qabtay Seddax nin oo la sheegay inay la shaqeynayeen dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Deegaanka Camaara oo qiyaastii 85 KM waqooyi galbeed kaga beegan degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug, ayaa waxaa wali baaritaano guri guri ah ka wada ciidamada xoogga dalka gaar ahaan kuwa Danab.

Guddoomiyaha deegaanka Camaara Sheikh Yuusuf Salaad oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ciidamadu wali deegaanka ka wadaan hawlgal lagu baacsanayo dadka xariirka la leh Al-Shabaab, isla markaana ay hadda gacanta ku hayaan Seddax nin oo la tuhunsanyahay inay la shaqeynayeen Al-Shabaab.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here