Ciidanka Ahlusunna Oo Isaga Baxay Xarunta Degmada Dhuusamareeb

Ciidankii Ahlusunna Waljameeca ee dabayaaqadii Bishii lasoo dhaafay la wareegay Xarunta Maamulka Degmada Dhuusamareeb ayaa saakay halkaas isaga baxay, iyadoona durbo ay la wareegeen Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wariyeyaal ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa soo sheegaya in Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga dowladda iyo Nabadsugida ay qabsadeen Xarunta Degmada, isla markaana haatan ay ku sugan yihiin halkaas.

Ciidanka Ahlusunna ayaa isugu tegay Xarumaha kale ay Magaalada Dhuusamareeb ay ka degan yihiin gaar ahaan Xarunta Inji oo degan yihiin Madaxda Sare ee Ahlusunna iyo Madaxa Xukuumadda Gamudug Sheekh Maxamed Shaakir iyo xubno kale.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Xaalada Magaalada ay tahay mid degan, isla markaana dadka deegaanka ay sheegeen inay dareemayaan Cabsi Colaadeed.

Si kastaba Aroortii hore ee saakay ayaa Ciidanka dowladda Federaalka waxaa ay la wareegeen gacan ku heynta Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo markii hore ay ku sugnaayeen Ciidanka Ahlusunna Waljameeca.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here