Ciidan gadoodsan oo xirtay mid ka mid ah Jidadka muhiimka ah ee Garoonka Aadan Cadde

Ciidamada Badda Soomaaliya ayaa saakay xirtay waddada gasha Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Muqdisho, kaddib markii ay sheegeyn in aysan mushaar qaadan muddo 9 bilood ah.

Qaar ka tirsan ciidamada gadoodka sameeyay ayaa sheegay inaysan mushaar qaadan Sagaalkii bilood ee lasoo dhaafay, islamarkaana ay go’aansadeen inay gabi ahaanba xiraan wadada ka baxda dugsiga tababarka General Kaahiye ee gasha Airport-ka Muqdisho.

Waddada ay saakay xirteen Askar ka tirsan Ciidamada Badda ayaa waxaa inta badan mara mas’uuliyiinta dowladda.

Madaxda ugu sareysa dalka ayaa inta badan carabka ku adkeeyay iney ciidanka helaan xuquuqdooda,islamarkaana aysan jirin ciidan mushaar la’aan wixii ka dambeeyay markii ay xukunka yimaadeen.

Sidan oo kale ciidamo badan oo ka tirsan Xoogga dalka ayaa u gadooday iyagoo ka cabanaya mushaar la’aan mudo dhowr bilood ah inkastoo markii dambe la xaliyay.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here