Ciidamada xoogga oo xubno Al-Shabaab ah ku dilay Gedo.

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamada Xoogga dalka ay howlgal ka dhan ah Al-Shabaab ay ka sameeyeen duleedka degmada Baardheere ee Gobolkaasi.

Abaanduulaha Guutada 10-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Gaashaanle dhexe, Cismaan Sheekh Cabdi ayaa sheegay in ku dhawaad 14 saraakiil  iyo dagaalamayaal  ka tirsanaa Al-shabaab ay ku dileen, islamarkaana waxaa uu sheegay in  howlgalka Al-Shabaab loogu gubay  gaadiid dagaal,isagoo xusay in saanad militari ay ka furteen.

Gaashaanle dhexe Cismaan Sheekh Cabdi ayaa Waxaa uu sheegay in Ciidamada xoogga  ay la wareegeen Saldhigyadii Al-Shabaab ku lahaayeen deegaannada Reydab iyo daar Macalin,isla markaana ay guul ka gaareen dagaal ay la galeen.

Mudooyinkii dambe ayaa Al-Shabaab iyo dadka deegaanka ay ku dagaalamayeen duleedka degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here