Ciidamada xoogga oo dhaq-dhaqaaqyo ka wado Shabeellada hoose.

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellada hoose ayaa sheegaya in ciidamada Danab ay saakay dhaq dhaqaaqyo ciidan ay  ka wadaan inta u dhexeysa Wanla weyn iyo garoonka Balli-doogle ee gobolka Shabeellada Hoose.

Arintan ayaa ka dambeysay kadib markii shalay dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku bilowday qaraxyo ay ku qaadeen garoonka Balli-Doogle,halkaasi oo ay joogaan ciidamada Danab iyo kuwa Mareykanka.

Goobjoogayaal ku sugan gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in saakay in ay arkeen ciidamo aad u hubeysan oo dhaq dhaqaaqyo ka wado inta u dhexeysa Wanla weyn iyo garoonka Balli-doogle ee gobalka shabeellada Hoose.

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka gobolka Shabeellada hoose ayaa Warkii Online u sheegay in ujeedka dhaq dhaqaaqan uu yahay sidii looga hortagi lahaa weerarada Al-Shabaab ay ka fuliyaan deegaanada ka tirsan gobolka shabeellada hoose, islamarkaana laga saaro deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolkaasi.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here