Ciidamada Jabuuti Oo Isaga Baxay Degmo Ka Tirsan Gobolka Hiiraan

Wararka aan ka heleyno Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti ay isaga baxeen Saldhigyo Ciidan ay ku lahaayeen halkaas.

Dadka deegaanka ayaa sheegay inay arkayeen Ciidanka Jabuuti oo wata gaadiidka nooca dagaalka oo isaga baxaya Saldhigyadii ay ku lahaayeen Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda Soomaaliya oo ku sugan degmadaas ayaa xaqiijiyay in Ciidanka Jabuuti ay gebi ahaan isaga baxeen Saldhigyadii deegaanka,isla markaana aysan ogeyn sababta ay u baxeen iyo halka ay u dhaqaaqeen Ciidamada.

Sidoo kale Saraakiisha ayaa sheegay in Saldhigyadii ay baneeyeen Ciidamada haatan ay ku sugan yihiin Ciidanka dowladda Soomaaliya ee ka howlgala Hiiraan.

Weli ma jiro wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidanka Jabuuti oo ay uga hadlayaan ka bixitaankooda Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan,halkaas oo ay ku lahaayeen Saldhiypo Ciidan.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here