Dowladda Itoobiya ayaa guullo waa weyn ka sheegatay dagaalka socda gobolka Tigray ee waqooyiga dalkaasi.

War ka soo baxay dowladda ayaa waxaa lagu sheegaya in ciidamada federaalka ay la wareegeen magaalooyin hor leh oo ku yaalla gobolkaasi, kadib duulaan ay qaadeen.

Magaalooyinka ay sheegtay xukuumadda Addis Ababa inay la wareegtay waxaa ka mid ah Aksum iyo Adwa oo horey ugu sugnaayeen ciidamada deegaanka ee TPLF.

Sidoo kale dowladda ayaa shaacisay in ciidamaduu ku sugnaa labadaas magaallo ay isa soo dhiibeen, sida ay hadalka u dhigtay.

Ciidamada Itoobiya ayaa sidoo kale haatan ku sii dhowaanaya magaalada Mekelle ee caasimadda Tigray.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka maamulka Tigray oo ku aadan sheegashada dowladda Itoobiya ee ku aadan la wareegitaanka Aksum iyo Adwa.

Xaaladda dalka Itoobiya ayaa aad u kacsan, iyada oo isgaarsiinta iyo internet-ka gobolka uu dagaalka ka socda uu yahay mid go’an muddo labo todobaad ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here