Ciidamada Booliska Kenya oo xiray Duqii Magaalada Nairobi, kadib Musuqmaasuq Lacag oo lagu soo eedeeyay

Ciidamada Booliska ee Kenya ayaa maanta xabsiga u taxaabay Duqii caasimadda magaalada Nairobi, ee dalka Kenya Mike Sonko, kadib markii warqad lagu soo xirayo loo jaray.

Diyaarad Helikobtar oo Booliska ay leeyihiin ayaa looga soo qaaday degaanka Voi ee ku dhow magaalada Nairobi oo uu ku sugnaa, laakiin waxaa dhacday inuu diido inuu raaco Booliska, taasoo keentya inay Booliska xoog u adeegsadaan oo ay qasab ku saaraan diyaaradda, waxaana la geeyay magaalada Nairobi.

Dacwad oogaha Guud ee Kenya Nuuradiin Xaaji ayaa soo saaray Warqad Booliska ku amreysa inay soo xabsiga dhigaan Duqii magaalada Nairobi Mike Mbuvi Sonko, iyadoo lagu heysto Musuq ka yimid Dhaqaalihii ismaamulka Nairobi ee uu madaxda ka ahaa lagu waayey oo ah lacag dhan Sh357 milyan oo shilinka kenya ah ($3.5 milyan oo doolar).

Mike Sonko ayaa hore u ahaa xubin ka mid ah Aqalka odayaasha ee Senate-ka Kenya, sanadihii 2013-kii ilaa 2017-kii, wuxuuna caan ku yahay inuu yahay nin dhaqaale badan heysta oo si xarago badan u lebista, laguna yaqaan dharka qaaliga ah ee uu ku lebsito.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here