Ciidamada ammaanka ee Beledweyne ayaa xalay howl-gallo ballaaran ka sameeyey degmadaasi, kadib dilkii halkaasi loogu geystay guddoomiye ku xigeenkii xaafada Buundo-weyn Cabdi Muxumed (Kuukaay Dheere).

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Booliiska ay howl-galladaasi ku soo qab-qabteen dad lagu tuhmayo dilkaasi, kuwaas oo ay haatan ku socdaan baaritaano dheeraad ah.

Taliyaha saldhigga Booliiska Beledweyne labo xidigle Maxamed Maxamuud Qoorsheel oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dadka la soo qab-qabtay ay u badan yihiin dhalinyaro, islamarkaana ay weli wadaan fal ka daba-tag ah oo ku aadan dhacdadaasi.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in natiijada ka soo baxda ay soo gudbin doonaan saacada soo socda.

Dilka Kuukaay Dheere oo xalay dhacay ayaa waxaa fuliyey rag ku hubeysnaa bistoolado, kuwaas oo goobta isaga baxsaday, kadib toogashada.

Beledweyn oo xarun u ah gobolka Hiiraan ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca falal liddi ku ah amniga, kuwaas oo u badan dilal qorsheysan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here