Christian Vieri oo Xaqiijiyay kooxda uu Haaland ku biirayo Xagaaga Danbe

Xiddigii hore ee Atletico Madrid Christian Vieri ayaa sheegay in weeraryahanka Borussia Dortmund Erling Haaland uu ku biiri doono Real Madrid xagaaga soo aadan.

Vieri wuxuu ka sheegay arintaasi kanaalkiisa Bobo TV .

Isaga oo la hadlaya Antonio Cassano , Vieri wuxuu yiri: “Hagaag, dhanka kale, waxay ii sheegeen in Haaland uu aadi doono Madrid boqolkiiba boqol.

“Taasi waa waxa ay ii sheegaan, laakiin ma garanayo inay run tahay iyo in kale.”

Xidigan ayaa loo badinayaa koox dhoor oo ay ku jirto kooxda Bayern Munich iyo Chelsea oo markii ugu danbeesay xiisaha ugu badan u heysay.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com