Chelsea oo weli xiiseyneysa saxiixa Federico Chiesa

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay dib u soo celin doonto xiisihii ay u qabtay weeraryahanka Juventus Federico Chiesa sannadka soo aadan, iyagoo ku guuldareystay inay la soo wareegaan xidiga Talyaaniga intii lagu jiray suuqii xagaaga.

Blues ayaa la rumeysan yahay inay miiska u saartay dalab lacageed oo weyn 23 jirkaan xagaagii, laakiin Juventus ayaa si cad u sheegtay in weeraryahanka garabka midig uusan diyaar u ahayn inuu ku biiro.

Cheisa, oo door muhiim ah ka qaatay guushii Italy ee Euro 2020, ayaa dhaliyay hal gool afar kulan oo Serie A uu u saftay kooxda Massimiliano Allegri bilowgii ololaha 2021-22.

Sida laga soo xigtay Calciomercato , Chelsea ‘waxay isku dayi doontaa weerar cusub bilaha soo socda’, iyadoo Blues ay ka go’an tahay inay weeraryahanka keento Stamford Bridge 2022.

si kastaba ha ahaatee, warbixinta ayaa sheegeysa in Bayern Munich iyo Liverpool ay sidoo kale xiiseynayaan ciyaaryahanka Talyaaniga ah, kaasoo farsamo ahaan amaah ahaan Juventus uga soo qaatay Fiorentina , iyadoo heshiiska uu noqon doono mid joogto ah xagaaga soo aadan.

Chiesa ayaa dhaliyay 15 gool wuxuuna diiwaan galiyay 10 caawin 47 kulan oo uu u saftay Marwada Duqda tartamada oo dhan.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com