Chelsea oo uga badisay 3-0 Kooxda Aston Villa, Lukaku oo labo gool dhaliyay, Shaxda Ciyaarta

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa guushii saddexaad ka keentay tartanka horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedkan kaddib markii ay 3-0 ku garaacday Aston Villa oo marti ugu ahayd Stamford Bridge.

Kulankan oo uu Thomas Tuchel isbeddel badan ku sameeyey ciyaartoydiiisa gaar ahaan khadka dhexe ayaa waxa qaybtii hore hoggaanka u dhiibay weeraryahanka reer Belgium ee Romelu Lukaku oo kubbad uu meel fog uga soo tuuray Mateo Kovacic si xarrago leh ugu gooyey difaaca kaddibna lugta midig ku dhaafiyey goolhaye Jed Steer.

Aston Villa ayaa fursado badan heshay qaybta hore waxaana laba isku xigay dedaal badan sameeyey goolhaye Edouard Mendy, iyadoo uu Thiago Silva khibraddiisa u kaashaday sidii uu u joojin lahaa kubbado halis ahaa oo goolkiisa ku socday.

Chelsea oo qaybtii hore aad u dhibaatootay, khadka dhexena ka kala daadsanaa ayaa uu Thomas Tuchel sameeyey isbeddel markii lagu soo noqonayay qaybta dambe, waxaanu saaray Saul Niguez oo qaladaad badan samaynayay, garoonkana iska dhex taagnaa, waxaanu keenay Jorginho oo kubadda u dejiyey Blues.

Qalad uu sameeyey difaaca Aston Villa ee Mings oo isku dayay inuu kubbad u dhiibo goolhayaha ayaa waxa dhexdooda ka faa’iidaystay Mateo Kovacic oo goolka labaad u dhaliyey Chelsea bilowga qaybtii labaad.

Romelu Lukaku ayaa waqtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray ciyaarta waxa uu hoggaanka usii dheereeyey Chelsea, isagoo kubbad uu ka helay bannaanka xerada ganaaxa ku toogtay laad awood badan oo uu ku hubsaday shabaqa uu waardiyaha ka ahaa Steer oo awoodi waayey inuu xataa taabto kubadda oo awood ku socotay.

Chelsea ayay guushu ku raacday 3-0 ay ku muunisay Aston Villa iyagoo shabaqoodana ilaashaday saddex ka mid ah afartii ciyaarood ee horyaalka oo ay saddex badiyeen midna barbarro galeen.

Blues waxay yeelatay 10 dhibcood oo ay ka urursatay afar ciyaarood oo horyaalka ah, waxaanay isku mid yihiin Manchester United oo ay min 10 dhibcood iyo 8 gool leeyihiin.

Shaxda Kulanka

Chelsea XI: Thiago Silva, Lukaku, Alonso, Saul, Kovacic, Rudiger, E. Mendy, Ziyech, T. Chalobah, Havertz, Hudson-Odoi

Subs: Azpilicueta, Barkley, Jorginho, Kepa, Christensen, Werner, Loftus-Cheek, Mount, Chilwell

Aston Villa XI: Steer, Ings, McGinn, Mings, Targett, O. Watkins, Tuanzebe, Ngoyo, M. Cash, Douglas Luiz, J. Ramsey

Subs: Young, Traore, Sanson, Hause, Nakamba, El Ghazi, Bailey, V. Sinisalo, C. Archer

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com