Chelsea oo ka shaqeyneysa inay heshiis cusub ka saxiixdo N’Golo Kante

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay wadahadalo qandaraas kula jirto xiddiga qadka dhexe ee N’Golo Kante .

30 jirkaan ayaa muhiim u ahaa Blues tan iyo markii uu ka yimid Leicester City sanadkii 2016, isagoo u saftay 221 kulan, isagoo kula guuleystay Premier League, FA Cup, Champions League iyo Europa League intii uu joogay Stamford Bridge.

Heshiiska Kante ee kooxda reer London ayaa dhici doona bisha Juun 2023 taasoo la micno ah, sida ay hadda tahay, inuu xor u noqon doono inuu kala hadlo heshiis hordhac ah koox ajnabi ah bisha Janaayo 2022.

Sida laga soo xigtay Evening Standard , Chelsea ayaa ka shaqeyneysa inay heshiis cusub ka saxiixdo xiddiga heerka caalami ee dalka Faransiiska, kaasoo haatan dhaawac uga maqan canqowga.

Kante ayaa mar horeba laga saaray kulanka Premier League ee ay Sabtida la yeelan doonaan Aston Villa laakiin waxaa laga yaabaa inuu garoonka ku soo laabto kulanka Zenit St Petersburg ee Champions League isbuuca soo socda.

Chelsea ayaa sidoo kale wadahadalo kula jirta daafaca reer Jarmal Antonio Rudiger laakiin waxay umuuqataa inay ku adag tahay inay heshiis ka gaaraan arintiisa.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com