Chelsea oo ka shaqeneysa in Heshiiiska ay u kordhiso Saddex Xidig oo Antonio Rudiger ku jiro

Photo@Reuters

Chelsea ayaa wadahadalo heshiis kordhin ah la furtay seddex daafac, oo kooxda ka tirsan

Heshiisyada haatan ee Antonio Rudiger , Cesar Azpilicueta iyo Andreas Christensen ayaa dhammaanaya xagaaga soo socda iyadoo aan weli heshiis laga gaarin.

Thomas Tuchel ayaa baadi goob ugu jiray daafac dhexe oo cusub  laakiin u dhaqaaqitaankii dambe ee Jules Kounde ayaa burburay , halka Kurt Zouma iyo Marc Guehi ay ka tageen si ay ugu biiraan West Ham United iyo Crystal Palace.

The Mirror ayaa sheegeysa in Blues ay “si hagar la’aan ah u shaqeyneyso” si ay ugu qanciso Rudiger, Azpilicueta iyo Christensen inay mustaqbalkooda fog u hibeeyaan kooxda.

Warbixinta ayaa intaas ku dartay in Rudiger uu hadda u badan yahay seddexdaas inuu ka tago Stamford Bridge, iyadoo Paris Saint-Germain ay dooneyso inay ka saxiixdo heshiis hordhac ah bisha Janaayo, halka wakiiladiisa ay xiriir yar ka heleen Chelsea.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Source: warkii.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here