Chelsea oo ka hadashey in Lukaku diyaar u yahay Kulanka Aston Villa madama dhaawac soo gaaray

Chelsea ayaa xaqiijisay in weeraryahankeeda Romelu Lukaku uu dhamaystay tababarka khamiistii isla markaana uu u tartamayo inuu ka soo muuqdo kulanka Sabtida ay la yeelan doonaan Aston Villa.

Xiddiga reer Belguim ayaa cabsi ka dhex abuuray jamaahiirta Blues isaga oo qirtay in uu u baahan yahay in baadhitaan lagu sameeyo dhaawac bowdada ah oo wakhti dheer ah intii uu ku maqnaa waajibaadka caalamiga ah.

Hadalka Lukaku ayaa dhaliyay cabsi ah in laga yaabo inuu garoomada ka maqnaado, laakiin Chelsea ayaa boggeeda rasmiga ah ku xallisay walaacyadaas kaddib tababarkii ugu dambeeyay ee toddobaadkan.

28 jirkaan ayaa muujiyey in uu tabar feecan la qaatay kooxda isla markana diyaar yahay xili markii ugu horreysay la kulmay saaxiibkiisa cusub ee Saul Niguez.

Saul ayaa tababar ku qaadanayay Blues ee Cobham intii lagu jiray fasaxa xulalka, laakiin fadhigii khamiistii ayaa ahaa fursaddii ugu horreysay ee uu kula xiriiri karo xiddigaha caalamiga ah ee soo laabanaya sida Lukaku, Mateo Kovacic, Andreas Christensen, Reece James iyo Edouard Mendy.

Madaxa Chelsea Petr Cech ayaa la hadlay website -ka rasmiga ah ee kooxda ku saabsan ku soo laabashada Lukaku ee Stamford Bridge, isagoo qiray inuu ku faraxsan yahay inuu ugu dambeyn arko xiddiga reer Belgium sida ugu fiican.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com