Chelsea oo Hakisay Heshiiska mid kamid ah Daafacyada ugu Feecnaa Kooxda

Wadahadalada ayaa u socda “Chelsea FC” iyo wakiilada Antonio Rudiger iyagoo ujeedkoodu yahay inay daafaca ku xidhaan qandaraas cusub oo uu ku sii joogo Stamford Bridge, sida uu sheegay wariye Talyaani Fabrizio Romano.

dhanka kale sida ay baahineyso majada Thetimes waxaa hakad uu ku yimid wadahadalada u socday labada dhinac ee ku aadan heshiis kordhinta

Rudiger ayaa ku jira qaab ciyaareed aad u fiican Blues tan iyo markii Thomas Tuchel uu qabtay Stamford Bridge bishii Janaayo wuxuuna muddooyinkii dambe ku kasbanayay dib u eegisyo aad u wanaagsan qaab ciyaareedkiisa.

28 jirka daafaca reer Germany ayaa qandaraaskiisa haatan ee Stamford Bridge waxa uu dhacayaa dhammaadka xilli ciyaareedkan, Chelsea FC ayaana la fahamsan yahay inay dooneyso inay xalliso xaaladiisa si looga fogaado halista ah inay isaga lumiso xagaaga dambe.

Rudiger ayaa ku soo bilowday shantii kulan ee Chelsea FC ee Premier League iyo Champions League xilli ciyaareedkan, waxaana uu rajeynayaa inuu door muhiim ah ka ciyaaro Blues xilli ciyaareedkan iyagoo doonaya inay ku guuleystaan ​​horyaalka Ingariiska markii ugu horeysay tan iyo 2017.

Sida laga soo xigtay Romano, wadahadalada u dhexeeya Blues iyo Rudiger ayaa socda, iyadoo heshiiska cusub ee daafaca Andreas Christensen loo malaynayo inuu ku dhow yahay inuu miro dhalo.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com