Chelsea Oo Guul-darro Xanuun Badan La Kulantay, Booska 5aad Oo Ay U Degi Karayaan Iyo Sheffied United Oo Fursad Siisay Lecester & Man United

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa la kulantay guul-darro xanuun badan oo halis gelinaysa booskooda kaalinta saddexaad iyo afraad ee horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, waxaana 3-0 ku garaacday Sheffield United.

Blues oo fadhiday kaalinta saddexaad ee horyaalka, ayaa laba gool lagaga naxsaday qaybtii hore, waxaana mid kale loogu daray qaybtii labaad ee ciyaarta.

Laba gool oo ay qaybtii hore Sheffield United u dhaliyeen David McGoldrick iyo Oliver McBurnie, ayaa kooxda tababare Frank Lampard ay kasoo kaban kari weyday, waxaana daqiiqaddii 77aad ee qaybta dambe qalbiga kasii jabiyey David McGoldrick oo goolka saddexaad u raaciyey.

Chelsea ayaa guul-darradan ay u horseedi karaysaa inay u degto kaalinta shanaad haddii ay labada kooxood ee ku xiga ee Leicester City iyo Manchester United soo badiyaan kulamadooda usbuuca, waxaanay ka kala dambeeyaan hal dhibic iyo laba dhibcood.

Shaxdii labada kooxood

CHELSEA (4-3-3): Kepa Arrizabalaga; Reece James, Andreas Christensen, Kurt Zouma, Cesar Azpilicueta; Ross Barkley, Jorginho, Mason Mount; Willian, Tammy Abraham, Christian Pulisic.

Kaydka: Willy Caballero, Antonio Rudiger, Olivier Giroud, Callum Hudson-Odoi, Mateo Kovacic, Marcos Alonso, Lewis Bate, Michy Batshuayi, Ruben Loftus-Cheek.

SHEFFIELD UNITED (3-5-2): Dean Henderson; Chris Basham, John Egan, Jack O’Connell; George Baldock, Sander Berge, Oliver Norwood, Ben Osborn, Enda Stevens; Oliver McBurnie, David McGoldrick.

Kaydka: Billy Sharp, Lys Mousset, Phil Jagielka, Jack Rodwell, Jack Robinson, Simon Moore, John Lundstram, Richairo Zivkovic, Kieron Freeman.

Tababare Frank Lampard ayaa laba isbeddel ku sameeyey shaxdii uu kula ciyaaray Watford ee uu guusha kaga gaadhay. Jorginho ayaa ka faa’iidaystay liiska raxan ciyaartoyda khadka dhexe ah oo dhaawac ku maqnaa, waxaanu kusoo bilowday muddo kaddib, halka uu Abraham beddelay Giroud.

Sheffield United ayaa iyaguna hal beddel oo kaliya ku sameeyey shaxdii ay guusha waqtiga dambe ah kaga gaadheen Wolves.

Chelsea ayaa murugadu usoo hoyatay daqiiqaddii 18aad ee ciyaarta, markaas oo kubbad garabka David McGoldrick oo shabaqa ku hubsaday kubbad uu soo tufay goolhaye Kepa, laakiin waxa qaladka iska lahaa Mason Mount oo laynka dushiisa lagaga qaatay kubadda oo lugtiisa gashay oo ay ahayd inuu iska saaro.

Daqiiqaddii 33aad ayay Sheffield United sii dheeraysatay hoggaanka ciyaarta, waxaana kubbad dhinaca bidix uu kasoo dhiibay Stevens madaxa ku qabtay Oliver McBurnie oo goolhaye Kepa oo aan is-dhaqaajin dhinaciisa midig ku arkay kubadda oo shabaqa gaadhay.

Qaybta hore ee ciyaarta ayay labada kooxood ku kala baxeen 2-0 ay Sheffield United hoggaanka ku haysay, waxaanu Lampard markii lagu soo laabtay garoonka uu si degdeg ah usoo raaciyey laba ciyaartoy, laakiin taas ayaan waxba ka baddalin bandhigga cajiibka ahaa ee qaabka kalsoonida leh ay kooxda martida loo yahay garoonkeeda ugu dhex xarragoonaysay.

Daqiiqaddii 77aad ayay ciyaartu gashay hurdo oo ay Chelsea rajo la’aan rasmi ah ku dhacday, markii uu McGoldrick goolka saddexaad u dhaliyey Sheffield United, waxaanay ciyaartu kusoo dhamaatay 3-0 ay guushu ku raacday Sheffield United.

Chelsea waxay leedahay 60 dhibcood oo ay ku hayso kaalinta saddexaad, waxaana ku xiga Leicester City iyo Manchester United oo 59 dhibcood iyo 58 dhibcood kala haysa, waxaanay geli karaan kaalmaha saddexaad iyo afraad haddii ay soo badiyaan kulamadooda usbuuca.

Leciester City oo Axadda la ciyaaraysa Bournemmouth, waxay laba dhibcood ka sarrayn doonaa Chelsea haddii ay badiso iyadoo ku noqon doonta booskeedii saddexaad ee ay toddobaad ka hor lumisay, halka Manchester United oo Isniinta marti-gelinaysa Southampton haddii ay guuleysato ay yeelan doonto 61 dhibcood, ayna hal dhibic ka sare mari doonto Chelsea.

Dhinaca kale, Sheffield United ayaa soo gashay kaalinta lixaad, waxaanay yeelatay 54 dhibcood iyagoo laba dhibcood ka sarreeya Wolves oo aan wali ciyaarin. Sheffield haddii ay booska lixaad ku dhamaysato waxay ka qayb-geli doontaa Europa League, xili ciyaareedka dambe.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII