Chelsea Oo Guul Dahabi Ah Ka Gaadhay Norwich, Giroud Oo La Baxsaday Blues Iyo Afar Dhibcood Oo Ay Ka Sarreeyaan Leicester Iyo Man United

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Chelsea ayaa guul dahabi ah ka gaadhay Norwich City oo ay ku martigelisay Stamford Bridge, waxaanay kaga adkaatay 1-0 uu saddexda dhibcood ku hoggaamiyey Olivier Giroud.

Blues ayaa goolkeeda madiga ah heshay dhamaadka qaybtii hore, waxaana madax ugu dhaliyey weeraryahanka reer France ee Giroud oo kubbad ka helay Pulisic.

Kooxda tababare Frank Lampard ayaa iska lumisay fursado ay goolal kale ku dhalin karaysay, hase yeeshee waxa intooda badan khasaariyey Giroud.

Guushan ayaa Chelsea ay kusii xajisatay kaalinteeda saddexaad ee horyaalka Premier League, waxaanay afar dhibcood ka sarraysaa Leicester City iyo Manchester United oo Khamiista ciyaaraya. Chelsea waxay yeelatay 63 dhibcood, halka ay Foxes iyo Red Devils haystaan min 59 dhibcood.

Shaxdii labada kooxood

Norwich City (4-1-4-1): Tim Krul; Max Aarons, Ben Godfrey, Timm Klose, Jamal Lewis; Alex Tettey; Onel Hernandez, Kenny McLean, Lukas Rupp, Todd Cantwell; Josip Drmic.

Kaydka: Michael McGovern, Mario Vrancic, Emi Buendia, Marco Stipermann, Tom Trybull, Teemu Pukki, Adam Idah, Jordan Thomas, Josh Martin.

Chelsea (4-3-3): Kepa Arrizabalaga; Cesar Azpilicueta, Antonio Rudiger, Kurt Zouma, Marcos Alonso; Ruben Loftus-Cheek, Jorginho, Mateo Kovacic; Willian, Olivier Giroud, Christian Pulisic.

Kaydka: Willy Caballero, Andreas Christensen, Ross Barkley, Tammy Abraham, Pedro, Mason Mount, Callum Hudson-Odoi, Reece James, Fikayo Tomori.

Kaddib guul-darradii xanuunka badnayd ee Chelsea ay kala kulantay Sheffield United, tababare Frank Lampard ayaa sidii laga filayay sameeyey, waxaanu difaaciisa kusoo celiyey Rudiger iyo Alonso, halka uu khadka dhexena keenay Loftus-Cheek, Kovacic iyo Groud oo weerarka ah.

Blues waxay garoonka lasoo gashay niyad-samaan weyn oo ah in kooxihii dhaafi lahaa ee Leicester iyo Man United laga qabtay, isla markaana ay fadhido kaalinteedii saddexaad. Waxa usii raacaysay rikoodhka ay ka haysato kulamada ay Norwich la ciyaartay oo aanay wax guul-darro ah kasoo gaadhin tan iyo 1994kii. 16 ciyaarood oo ka dambeeyey waqtigaas oo ay iskaga hor yimaaddeen, 11 ka mid ah waxa guuleysatay Chelsea, shan kalena barbarro ayey galeen. Maalintii ugu dambeysay ee Norwich ay guuleysatay waxay ahayd December 1994kii oo Blues lagu garaacay 3-0.

Shax beddelka uu sameeyey Lampard iyo inay ka ka ordayeen inay mar kale lumiyaan dhibco sabab u noqon karaya inay Champions League ka maqnaadaan ayaa Blues siiyey dhiiranaan dheeraad ah, waxaanay si buuxda u maamuleen ciyaarta iyagoo kubbado badan khatar ku geliyey goolhaye Krul oo shabaqiisa ka badbaadiyey qaybtii hore dhawr kubadood oo ay Blues kusoo gantay.

Labadii fursadood ee ugu horreeyey ee waaweynaa, waxa khasaariyey Pulisic oo uu kubbad usoo dhiibay Alonso oo xerada  ganaaxa ku dhexsiiyey, laakiin uu goolhayuhu kasoo gaadhay iyo Olivier Giroud oo goolka hortiisa uu kubbad ugu keenay Azpilicueta laakiin uu laag diciif ah oo lugta midig ah ku toogtay.

Ilbidhiqsiyadii ugu dambeeyey ee qaybta hore ee ciyaarta ayey Chelsea hoggaanka u qabatay ciyaarta, waxaana kubbad madax ah shabaqa ku hubsaday Olivier Giroud oo kaalmo ka helay Christian Pulisic, inyar kaddibna waxa la yeedhiyey siidhiga dhamaadka.

Qaybta labaad ayay Norwich City isbeddel ciyaareed yara samaysay, laakiin halgankooda dhexda iyo difaaca ay adkaysteen wuxuu ku dhimanayay marka uu gaadho afka hore oo ka liitay.

Daqiiqaddii 66aad ayay fursadii ugu fiicnayd ee qaybta labaad timid, waxaana kubbad qurux badan dhinaca bidix kasoo dhiibay Alonso oo soo hordhigay Pulisic oo ka dambeeyey Willian, laakiin waxa kubaddaas helay Azpilicueta oo masaafo 25 yard ah u jiray goolka, waxaanu ku liishaamay toogasho uu lugtiida midig u adeegsaday.

Kubbad uu Azpilicueta kusoo dhex-tuuray xerada ganaaxa goolka Norwich horteeda, ayaa waxa hawada sare kula kulmay Marcos Alonso. Goolhaye Krul ayaa halkaas u joogay oo kubbaddaas ka joojiyey inay tagto goolkiisa.

Ciyaarta oo ay toban daqiiqadood ka hadhsan tahay uu tababare Frank Lampard isku dayay inuu difaaca adkeeyo, afka hore firfircoonaysiin ku sameeyo, waxaanu saaray Marco Alonso oo uu ku baddalay James, halka uu weerarkana bannaanka dhigay Pulisic oo uu kusoo beddelay Callum Hudson-Odoi.

Daqiiqaddii 85aad: Giroud ayaa ku dhowaaday inuu ciyaarta ka dhigo 2-0, waxaana kubbad ay kasoo wada shaqeeyeen Hudson-Odoi iyo Barkley ay u gudubtay James, taas oo uu ugu dambayntii helay Willian oo raadsaday Giroud oo xerada ganaaxa ku sugnaa, waxaanu kusoo liishaamay kubbad halis ah oo uu weeraryahanka reer France lugta geliyey, hase yeeshee kubadda ayaa goolka garab martay.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 1-0 ay Chelsea guushu ku raacday, waxaanay Blues isku ballaadhisay kaalinta saddexaad oo ay afar dhibcood ku qabatay xilli horyaalka laba kulan oo kali ahi ka hadhsan yihiin, laakiin Leicester iyo Manchester United ayaa dhibcaha Chelsea ku hayso kaalinta saddexaad kusoo koobi karaya hal dhibic marka ay Khamiista la kala ciyaaraan Sheffield United iyo Crystal Palace.

Laacib.net

Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII