Chelsea Oo Ciyaartoy Iyo Lacag Iskugu Daraysa Atletico Madrid Oo Ay Ka Doonayso Jan Oblak – Waa Kuma Xiddiga Blues Siinayso Atletico?

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Chelsea ayaa bartilmaameedka koowaad ka dhigatay goolhayaha Atletico Madrid ee Jan Oblak, kaas oo uu Frank Lampard doonayo inuu keeno Stamford Bridge marka ay horyaalladu dhamaadaan.

Lampard ayuu samirkii ka dhamaaday, waxaanu ka rajo dhigay goolhayaha koowaad ee kooxdaas ee Kepa Arrizabalaga oo qaladaad uu sameeyey sabab u noqdeen in kooxdiisu dhibco lumiso xili ciyaareedkan.

Jan Oblak oo 27 jir ah, heshiiska uu kula jiro Atletico Madrid na lagu burburin karo £120 milyan oo Gini ayey Chelsea bartilmaameed ka dhiganaysaa, waxaanay diyaarinayaan dalabkii ay ku qancin lahaayeen kooxda reer Spain ee ay kaga soo qaadan lahaayeen goolhayaha reer Slovenia oo heshiiskiisa Wanda Metropolitano uu ku egyahay sannadka 2023.

Sida ay warbaahinta Ingiriisku qoreen, Chelsea waxay doonaysaa in heshiiska Oblak ay u isticmaasho ciyaartoy iyo lacag ah is-raaciso, waxaana laacibkaas loo badinayaa inuu noqon doono goolhaye Kepa Arrizaballaga.

Blues waxay ku qiimaynaysaa Oblak ilaa £100 milyan oo Gini, waxaanay isku dari doontaa Kepa oo sannadkii 2018 ay £71.5 milyan Gini kagala soo wareegtay Athletic Bilbao iyo lacag kaash ah, taas oo waaxda suuqa ee Chelsea ku qanacsan yihiin in kooxda reer Spain ay aqbali doonto.

Chelsea ayaa si weyn iskugu diyaarinaysa xili ciyaareedka dambe, waxaanay hore  ula soo wareegtay Timo Werner iyo Achraf Hakimi oo ay kooxaha RB Leipzing iyo Ajax kaga soo kala iibsatay £50 milyan oo Gini iyo £33 milyan oo Gini.

Waxa kale oo ay Blues ku raad-joogtaa difaaca bidix ee Leicester City ee Ben Chilwell, waxaase  kula tartamaya Manchester United iyo Manchester City.

Laacib.net

Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII