Chelsea Mise Bayern Munich? Kooxda Kaliya Ee Awooda Buuxda U Leh Inay Da’yarka Cajiibka Ah Ee Kai Havertz La Saxeexato Oo La Ogaaday

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Kooxaha Bayern Munich iyo Chelsea ayaa loo arkaa labada kooxood ee sida kama dambaysta ah ugu tartamaya saxeexa da’yarka ree Germany ee Kai Havertz kaas oo xilli ciyaareedyadan ugu dambeeyay bandhig wanaagsan kusoo muujinayay Bayer Leverkusen.

Sida uu sheegayo wargeyska Guardian, Havertz ayaan lahayn wax qorshe ah oo uu kusii joogaya dhinaca kooxdiisa Bayer Leverkusen kaddib markii ay usoo bixi waayeen tartanka Champions League xilli ciyaareedka dambe.

Warbixinta ayaa intaas ku daraysa in xaalada suuqa kala iibsiga ee qaarada Yurub uu haatan ku jiro iyo saamayntii dhaqaale ee uu keenay xanuunka Korona uu kaliya kooxda Chelsea ka dhigayo mida awooda u leh saxeexa Kai.

Bayern Munich ayaa la rajaynayay inay tartan adag kula geli doonto dhigeeda Chelsea loolanka loogu jiro saxeexa 21 sano jirkan balse kooxda dhawaan kusoo guuleysatay Bundesliga ayaa diidan inay bixiso lacagaha heshiiskiisa lagu jabin karo.

Kooxda uu hoggaaminayo tababare Peter Bosz ayaa wali haysata fursad yar oo ay ugu soo bixi karto Champions League waana inay ku guuleystaan tartanka Europe League oo ay wali qayb ka yihiin.

Kulankii lugta hore ee wareega haatan lagaga jiro Euorpe League ayay kasoo guuleysteen Rangers, xataa haddii ay hantaan tartankaas ayaysan si dhammaystiran u damaanad qaadayn inay sii haysan doonaan Havertz.

Kai Hevrtz ayaa xilli ciyaareedkan kooxdiisa Leverkusen usoo dhaliyay 12 gool oo kulamada horyaalka ah waana sababta dhalisay inuu xiiso ka helo kooxaha ugu waaweyn qaarada Yurub.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII