“Chelsea Aad Uguma Faraxsana Inay Ka Mid Noqotay Afarta Kooxood Ee Sare” – Frank Lampard Arrimo Badan Ka Hadlay

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Advertisements

Frank Lampard ayaa sheegay in kooxdiisu aanay aad ugu faraxsanayn inay kaalinta afraad ee horyaalka Premier League ku dhamaysatay, kaddib markii ay kooxdiisu 2-0 kaga badisay Wolves, isla markaana xaqiiqsatay booskeeda Champions League ee fasal ciyaareedka dambe.

Laba gool oo ay dhaliyeen Mason Mount iyo Olivier Giroud dhamaadka qaybtii hore ayaa Chelsea ku hoggaamiyey guusha iyagoo isku dhibco noqday Manchester United, laakiin Red Devils ayaa farqiga goolasha kaga horreysay.

Lampard oo xili ciyaareedkiisii koowaad u horseeday Chelsea inay iska xaadiriso Champions League, waxa uu la kowsaday marxalad adag bilowgiiba, taas oo ahayd inuu la wareegay Blues oo suuqa iibka ay ka saaran tahay xayiraad socotay illaa bishii January oo aan loo ogolayn inay laacibiin cusub yimaaddaan, waxaana u dheeraa in Eden Hazard oo ahaa xiddiga kooxdu uu ka tegay oo ay Real Madrid kala wareegtay.

Advertisements

Tallaabadii koowaad ee uu qaaday waxay noqotay inuu dib usoo celiyey ciyaartoydii kooxda amaahda kaga maqnaa, waxaana laacibiintaa ka mid ahaa Mason Mount oo xiddiga kooxda noqday iyo Tammy Abraham.

Isaga oo la hadlayay telefishanka Sky Sportay markii ay dhamaatay ciyaartii Wolves, waxa uu Lampard yidhi: “Usoo bixitaanka Champions League macno weyn ayay ii leedahay aniga, laakiin Chelsea ahaan, aad uguma farki karno inaanu ku dhamaysanay afarta sare.

“Markii u horreysay ee aanu nimid halkan, waxa laga yaabaa in aanaan halikan tixgelin, laakiin waxa aanu qabanay xili ciyaareedkan ayaa ahayd inaanu ka faa’iidayso oo aanu keeno ciyaartoyda da’da yar, horumarna ku samayno ciyaartoyda wanaagsan.”

Tababare Lampard oo hadalkiisa sii wata, waxa uu ka sheekeeyey xaaladdii adkayd ee ay Chelsea ku jirtay markii uu xilka qabtay, waxaanu yidhi: “Waxyaabo badan oo aan sugnayn ayaa jiray markii aan imid, waxaana ka mid ahayd inaanu hore u socon karayno Eden Hazard la’aantii. Waxaanu ogeyn inaanu weynay ciyaartoy weyn. Waxay hadda ciyaartoydu hayaan niyad wanaagsan oo dhab ah, waana dedaal wada-jir ah oo dhab ah.”

Waxa uu intaas kaddib sheegay inuu haysto waqti uu isku diyaariyo, waxaanu yidhi: “Aniga shaqsiyan, iyo shaqaalahaba waxaanu doonaynaa inaanu horumar samayno wax walba, waxaananu hadda fiirinaynaa waxa aanu qaban karayno xili ciyaareedka dambe.”

Advertisements
Advertisements

Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII