Cajiib Badanaa Hrithik Roshan oo 4-door ku jilaayo Krrish 4 iyo xog cusub oo Filimkaan ku saabsan isku diyaariya inaad daawataan 4 Hrithik!!

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Krrish 4 si weyn ayaa loo hadal hayaa mudooyinkii u dambeeyay waxaana dhagta loo taagayey xog walb oo reer Roshan kasoo baxdo maadama ay ku mashquulsanaayen dhameestirka qorista sheekada Filimkan balse hader waa soo dhamaatay.

Hrithik Filimkaan taxanaha ah labo waji ayuu ku jili jiray doorka Rohit iyo doorka Krrish balse markaan sheekada 4-waji ayee tagi doontaa waxaana shaashada ku daawan doonnaa 4-Hrithik Roshan maadama sheekada qoristeeda sidaas tahay waxaana cajiib ah in Jaaduu-gii Koi Mil Gaya iyo Rohit-kii Krrish 3 ku geeriyoodayba la keeni doono xitaa.

Kooxda Filimka waxaa laga soo xigtay inee 4-door u diyaariyeen Hrithik Roshan mid waa Jaaduu oo dib loo soo celinaayo isagoo HR ah midna waa doorka aabaha ee Rohit kaaso geeriyooday waana lasoo celina sababto ah si Jaaduu loo soo celiyo isaga ayaa loo baahnaana ileen isaga kaliya soo celin karo Jaaduu.

Say what! Hrithik Roshan to play four characters in Krrish 4?

Doorka Krrish ee aan wada garaneeynay iyo cunuga ay Priyanka u dhashay qeybtii u dambeysay sidaas ayee wadarta guud 4-Hrithik u noqon doonaan waana xiiso-xiiso dhaafay sido kale doorka atiriishada markaan waxaa laga dhigi doonaan mid awood badan leh laakiin Priyanka Chopra ma hogaamin doonto ee atiriisho kale ayaa la raadinayaa.

Sheekada intaas kuma eka qeyb kamid ah mashruucan dalka Hindiya dibadiisa ayaa lagu duubi doonaa waxaana loo baahnaan doonaa laadiriin waaweyn oo reer Hollywood ah si ay ula dagaalamaan Hrithik waxaa la sheegay Superstars kaabo laadiriin waaweyn ah in filimka lagu soo daraayo hab caalami ah oo dunida oodhan la yaabtana loo duubi dooono.

Inaba caadi ma ahan Krrish 4 sida loo sameeyn doono waxuuna noqon doonaa filim hindiya ku faanto oo Hollywod kula tartanto warar xan ah ayaa sheegayaan in Rakesh Roshan doonayo in Filimkaan maalgaliso shirkada Shah Rukh Khan ee Red Chills Entertainment aan aragno wixii soo kordho.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII