Cabsi Xoogan Oo Maanta ka jirta Caasimada HirShabelle Ee Jowhar

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Warar inaga soo gaaraya Magaalada Jowhar Ee Caasimada HirShabelle waxay sheegayaan in Cabsi xoogan dadka soo wajahday kadib Dabeyl xoog leh oo la dareemay.

Sawirro lasoo qaaday waxaa la arkayey Xaafada Hanti wadaag in Guryo ka sameysnaa Jiinado ay bur burisey Dabeysha,Geedo ku yaallayna halkaasi ay soo go’een.

Dad kusugan Magaaladaas waxay inoo sheegeen in maalmahaan roobkii xagaaga ahaa ee da’ayey ay saameyn ku yeelatay isku socodka Magaalada iyo deegaanada ku dhaw,maadaama dhul dhoobleey yahay oo dhiiqo dhigtay Magaalada.

Tuulooyinka Mareereey iyo Buur fuule oo hoostaga Jowhar ayaana lasoo sheegayaa in Webiga Shabelle uu biyo badan keenay deegaanadaasina uu kar kaarada jabsaday,iyadoo dhinaca Keliga Cali Shoobare loo yaqaano biyaha ay soo gaareen.

Ilaa hadda Maamulka Degmada Jowhar iyo kan Gobolka Shabellaha Dhexe kama aysan hadlin Xaaladaan Dabeysha Magaalada laga soo tebiyey ee khasaaraha geysatay iyo Fatahaada lasoo tebinayo.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII