Cabdiraxmaan Faroole “Wax kasta oo Heshiis ah waxay ka socon waayeen M/weyne Farmaajo, waa fashilmay”.

Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole kana tirsan Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa ku dhaliilay Madaxweynaha Soomaaliya Max’ed Cabdullaahi Farmaajo in uu waxba ka qaban waayay arrimaha gudaha ee dalka Soomaaliya.

Faroole ayaa sheegay in faragalin kasta lays ku dayay balse ay socon weyday, wuxuuna sheegay in ay Xukuumadda Soomaaliya ku fashilantay arrimaha gudaha ee dalka.

Cabdiraxmaan Faroole, wuxuu kaloo sheegay in ay muhiim tahay in la ilaaliyo midnimada Jubbaland, ayna xooga saaraan sidii Soomaali oo dhan ay tahay in ay isku timaado.

Nidaamka Faderaalka ayuu sheegay in la burburinayo, balse aan dib loo celin doonin, isagoo sheegay in ay waajib tahay in horey loo socodsiiyo dawladnimada Soomaaliya.

Xukuumadda Soomaaliya, ayuu cadeeyey in ay wado ficilo kasta oo ay kaligii Talis ku abuurto, balse ay tahay mid aan socodsiin karin oo aan meelna laga soo gali karin.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here