DAAWO: C/raxmaan C/shakuur Oo Hanjabaad Ka sheegay Khudbadii Maanta Kismaayo

C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa waxa uu khudbad ka jeediyey xaflada Caleemo saarka Madaxweyen Axmed Madoobe isagoo Arimo dhowr ah ka hadlay.

Mr Shakuur ayaa ka sheekeeyey 1997-dii uu Safar ku tegay Kismaayo Xilligaasi oo Dagaal Jabhadeed uu jiray,ayna markaasi Samafal uu ka qeyb ahaa Xubnaha ay u ogolaadeen mucaawimo ay wadeen in dadka la gaarsiiyo isagoo eedeyn ujeediyey Madaxda Dawlada Soomaaliya Oo cunuqabateyn saartay Kismaayo.

Waxa uu si kulul uga hadlay Dagaalka Dawlada Dhexe ku heyso Maamul Gobolleedyada,isagoo soo hadal qaaday Galmudug iyo Dabinka lala rabo dadka Deegaankaasi.

Axmed Madoobe ayuu ku amaanay inuu usheegay shir ay la qaateen,inuu la heshiisiiyo Mucaaradka isbadel doonka Jubbaland.

Si gaar ah ayuu ula hadlay Madaxweyne Farmaajo waxaana C/raxmaan C/shakuur Warsame,isagoo ka dalbaday in dib uheshiisiin usameeyo Soomaalida.

Wuxuu ku hanjabay C/raxmaan c/shakuur in hadii la isku dayo muddo kororsi wixii dhaca ay Madaxda Dalka qaadan doonaan,oo umuuqatay inuu dagaal udiyaar yahay lagu inqilaabayo Dawlada.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here