C/raxmaan C/shakuur: ”Farmaajo waxaa uu ku fashilmay waxyaabahii uu afkiisa ku balanqaaday”

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ku sugan Magaalada London ee dalka Ingariiska ayaa waxaa uu wareeysi siiyay Laanta Af-soomaaliga ee BBC-da kaasi oo uu uga hadlay arrimo dhowr oo la xariira khilaafka ka dhex taagan asiga iyo dowlada dhexe.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame waxaa uu sheegay in Dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo ay ku fashilantay arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay in dalka laga saaro Al-shabaab taasi oo qeeyb ka aheed balanqaadkiisii hore.

Sidoo kale waxaa uu Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ka hadlay Madasha Xisbiyadda qaran sababtii uu u diiday in uu ku biiro,waxaana uu sheegay in uu dareensan yahay in Xisbiga Wadajir kaligiis dhaqaaqi karo.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here