Bye Baye!!!! Adam Lallana Oo Farriin Qiiro Leh Ku Macasalaameeyey Liverpool & Saddex Qof Oo Uu Si Gaar Ah U Magacaabay

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Advertisements

Xiddiga Liverpool ee Adam Lallana ayaa warqad qiiro leh ku macasalaameeyey kooxdiisa oo uu si xor ah uga tegayo, kaddib markii uu dhamaaday heshiiskiisu.

Lallana oo ay da’diisu tahay 32 jir ayaa soo afjaray lix sannadood oo uu Anfield ka ciyaarayay, waxaana ugu dambayntii uu gacanta kusii dhigay koobka aanu hore nasiibka ugu helin ee Premier League, kaas oo Arbacadii uu ula dabbaal-degay xiddigaha naadigiisa inkasta oo aanu kulankii ugu dambeeyey ciyaarin.

Lixdii sannadood ee uu joogay Anfield ayuu saftay 178 ciyaarood oo dhamaan tartamada, waxaana saddexdii sannadood ee ugu dambeeyey yaraaday fursadihiisa iyadoo saamayn badanna ay ku yeesheen dhaawacyo soo noqnoqday oo marar badan gaadhay.

Advertisements

Laacibkan reer England ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ugu mahadceliyey ciyaartoyda Liverpool isagoo si gaar ahna u magacaabay saddex qof oo saamayn weyn ku lahaa muddadii uu joogay Anfield.

Tababare Jurgen Klopp iyo kabtan Jordan Henderson ayuu si gaar ah ugu mahad celiyey, waxaanu raaciyey Brendan Rodgers oo sannadkii 2015 markii uu imanayay Liverpool tababare ka ahaa.

Isaga oo ka hadlayay Henderson, waxa uu yidhi: “Waa nin jira, wayna adag tahay inaad aragto isaga oo kale, si dhab ahna waan ugu xiisi doonaa.”

Kooxo badan oo horyaalka Premier League ah ayaa xiisaynaya inay la saxeexdaan Aadam Lallana, waxaana ugu horreysa Leicester City oo uu tababare ka yahay Rodgers.

Sidoo kale, Southampton, Arsenal, West Ham, Burnley, Tottenham iyo Newcastle United ayaa dhamaantood ah kuwa doonaya inay helaan adeegga laacibkan.

Advertisements
Advertisements

Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII