Buuq ka taagan Dh/mareeb & Cida Sugeysa Amniga la isku khilaafay

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaa diidan in ciidamada madaxtooyada Soomaaliya ay sugaan amniga shirka ka furmaya Dhuusamareeb

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in madaxweyneyaasha Maamulada Jubbaland iyo Puntland ay diidan yihiin in ciidamada koofiya casta loo yaqaano ee ilaalada madaxtooyada Soomaaliya ay sugaan amniga goobta uu ka furmayo shirka, iyagoona dalbaday in loo daayo Ciidamada Galmudug oo horey u sugay amniga shirkii ka dhacay magaalada Dhuusa mareeb.

Xalay Magaalada Dhuusa mareeb waxaa ka dhacay kulamo u dhaxeeyay Madaxda Dowlad Goboleedyad, iyaga oo ka arrinsanayay sida loo wajahayo shirka ay wada yeelan doonaan.

Ammaanka Magaalada Dhuusamareeb ayaa aad loo adkeeyay,waxaana ku sugan Ciidamo kala duwan oo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo Ciidamo gaar ah oo ay wataan Madaxda Sare ee dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa haatan waxaa ku sugan Madaxweynaha soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Kheyre, Madaxweynaha Jubbaland oo xalay dib ugu laabtay Dhuusamareeb, iyo Madaxda Maamulada Koonfur Galbeed, Hir-Shabeelle iyo Galmudug,waxaana la filayaa in uu Maanta dib ugu soo laabto magaalada Dhuusamareeb Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Shirka dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada oo lagu soo aadiyey, xilli xasaasi ah ayaa waxaa diirada lagu saarayaa xaaladda dalka siiba arrimaha doorashada 2020/21.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII