Bruno Fernandes oo Taariikh Sameenaya Kulanka Aston Villa

Xiddiga reer Portugal ee Burno Fernandes ayaa isku qori doona taariikhda horyaalka Premier League kulanka Sabtida ay kooxdiisu ku qaabbilayso Aston Villa, taas oo ay u baahan yihiin guul ay hoggaanka horyaalka kula sii wadaagaan Chelsea iyo Liverpool.

United oo guul-darro niyad-jab ah kala kulantay West Ham toddobaadkan, isla  markaana ka  hadhay tartanka Carbao Cup iyadoo canaantana la saaray tababaraha oo nasiyey ciyaartoydiisa muhiimka ah, ayaa waxay lasoo shirtegi doonaa hubkeeda oo dhan Sabtida.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa beddeli doona dhamaan safkii uu kula ciyaaray West Ham kulankii Carabao Cup, waxaana uu khadka dhexe keeni doonaa Bruno Fernandes oo fursad u haysta inuu dhigo rikoodh causub.

27 jirkan oo goolal dhaliyey labadii kulan ee ugu horreeyay United horyaalka, isla markaana saddexlay saxeexay kulankii Leeds United ee bishii hore, waxa uu soo qaban doonaa rikoodh gool-dhalinta ah oo muddo dheer yaallay.

Haddii Manchester United ay hesho rikoodhe oo uu laagto Fernandes, waxay u noqon doontaa ciyaartii afraad ee horyaalka ah ee uu Aston Villa ka hor tago, goolalna ka dhaliyo.

Saddexda jeer ee hore ayuu ka dhaliyey rikoodheyaal, waxaanu sidaas ku noqon doonaa ciyaartoygii labaad ee hal koox ka dhaliya rikoodheyaal afar kulan oo isku xiga, waxaana ka horreeyay oo sidan oo kale sameeyey weeraryahankii Watford ee Troy Deeney oo Manchester United afar kulan oo uu ka hor tegay rikoodheyaal ka dhaliyey.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com