BREAKING NEWS: Xassan Sh & Shariif Sh Axmed oo go`aamo xasaasi ah ku dhawaaqi doono goor dhaw.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in madaxweynayaashii hore ee dawladda Soomaaliya, haddana ah madaxda labo Urur siyaasadeed oo kajira Muqdisho ay shaacin doonaan arrimo ku wajahan xaaladdaha siyaasadeed ee dalka.

Xassan Sheekh Maxamuud & Shariif Sheekh Axmed oo ahaa madaxweynayaal xukunka la kala wareegay ayaa hadal-jeedintooda uga hadli doono arrimaha siyaasadeed ee waqtigan taagan, gaar ahaana kulamada xagga siyaasadda ah ee socda.

Shir jaraa’id ayay qaban doonaan,waxaana kaloo ay ka hadli doonaan nooca ay doonayaan doorasho iyo in Soomaalidu ay markale talada iskugu timaado, si looga baaqsado wax kasta oo isku day ah oo ay qeyb ka noqn karaan dhinacyadu.

Madaxda dawladda Faderaalka ayay horey ugu eedeyeen in aysan dooneyn qabsoomida doorasho xor ah, maadaama aysan Madaxda hadda u muuqanba kala aragti duwanaanshuhu in uu yahay suno dawladeed oo aan marnaba dhib loo arkin.

Shalay madal ay ku mideysan yihiin ayaa la dhisay oo qeyb ka qaadanaysa arrimaha siyaasadda, waxaana madashan ay u muuqataa mid ay doonayaan in dawladda lagu saaro cadaadis xoog badan, maadaama ay ku jirto sannadkii u dambeeyey.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here