Borussia Dortmund oo ka Warheysa Bixitaanka Haaland, Xidig Cusub ayay Calaamadeysatay

Borussia Dortmund ayaa u aragta weeraryahanka Juventus Federico Chiesa inuu yahay bedelka suurtagalka ah ee Erling Haaland , sida laga soo xigtay Calciomercato.

Haaland ayaa la saadaalinayaa inuu ka tago Dortmund dhamaadka xilli ciyaareedkan iyadoo lala xiriirinayo Real Madrid , Manchester United , Bayern Munich , Manchester City , Barcelona , Liverpool iyo Paris Saint-Germain .

Haddii Haaland uu boxo, Dortmund ayaa indhaha ku heysa xiddiga Juve iyo Talyaaniga Chiesa, kaasoo horay u soo jiitay dareenka Chelsea iyo Liverpool .

Haaland ayaa u arka inuu hormar sameyn karo hadii uu ku biiro horyaalada kale ama kooxaha waaweyn si uu ugu guuleesto

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com