Booliska Ingiriiska oo u gaarsanaya wiil Soomaaliyeed oo loo haysto kiis aad u culus

Ciidamada Booliska waddanka Ingiriiska ayaa waxay raadinayaa wiil Soomaaliyeed, kaasi oo loo haysto dil haweenay 47-sano jir ah, taasi oo sanadkii oo lagu magacaabo Shaun Lyall, lana dilay sanadkii hore.

Bileyska oo soo saarey warbixin dhinacyo kala duwan taabaneysa ayaa waxay ka codsadeen dadweynaha dalkaasi in ay kusoo war-geliyaan hadii ay helaan xog lagu soo qaban karo Cabdi Cali.

Cabdi oo 29-sano jir ah ayaa waxaa sidoo kale uu wajahayaa dacwado ay kamid yihiin; isku day waxyeelan shacab, u adeegsashada Toorey meel bulsho ah iyo dhoofinta maandooriye nooc khatarta ah.

Hadii ay suurtogasho in lasoo qabto Cabdi Cali ayaa waxa lasoo taagayaa Maxkamad, taasi oo aakhiritaankii uu ku muteysan karo xukun aad u culus oo muddo badan oo sanado ah ama musaafurin.

Talaabada ay ciidamada ku doon-doonayan Cali ayaa ka dambeysay markii gacanta lagu soo dhigay ruux kale oo la tuhunsan yahay. Craig Whittle, oo 45-sano jir ah, waxaa lagu eedeeyay in uu caawiyey Cabdi Cali.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here