Bernardo Silva wuu faraxsan yahay laakiin wuu ka tagi karaa Man City ayuu yiri Pep Guardiola

Xiddiga Manchester City Bernardo Silva ayaa laga yaabaa inuu ka tago kooxda heysata horyaalka Premier League, sida uu sheegay tababare Pep Guardiola.

Silva ayaa la filayay inuu ka tago City xilli ciyaareedkii hore xilli uu xiriir la lahaa Atletico Madrid iyo Barcelona laakiin xiddiga reer Portugal ayaa sii joogay Manchester.

27 jirkaan ayaa ku soo bilowday shan ka mid ah lixdii kulan ee Premier League ee ay City ciyaartay xilli ciyaareedkan, halka uu dhaliyay goolka guusha kulankii ay 1-0 kaga badiyeen Leicester City.

Ka dib markii uu wacdaro dhigay kulankii Sabtidii ay 1-0 kaga badiyeen kooxda ay xafiiltamaan iyo kooxda heysata Champions League ee Chelsea, Guardiola ayaa ammaanay Silva.

Waxa kaliya ee aan doonayo waa in Bernardo uu ku farxo, halkaan ama meel kasta, waxa kaliya ee aan rabaa waa farxaddiisa maxaa yeelay waa nin u qalma sida ugu fiican” ayuu yiri Guardiola.

“Aad buu u dareen badan yahay – maahan doorkiisa xiddig qadka dhexe heysta laakiin si fiican ayuu u yaqaan sida loo ciyaaro iyo sida loo sii saadaaliyo waxa dhici doona, kubbadda ama kubbad la’aanta.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com