Benzema oo ku booriyay Real Madrid inay wax ka qabato heshiiska Modric

Karim Benzema ayaa ku boorinaya Real Madrid inay wax ka qabato heshiiska Luka Modric .

Rugcadaaga khadka dhexe oo hadda ah 36 jir ayaa wacdaro ka dhigay guushii ay Real Madrid ka gaareen Celta Vigo .

Heshiiska haatan ee Modric ayaa soconaya ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka, Benzema ayaana aad u doonaya inuu arko inuu sii joogo xidigan.

“Ka waran Luka Modric ? Waa mid ka mid ah kuwa ugu fiican adduunka booskiisa,” ayuu yiri weeraryahankan, kaasoo dhaliyay saddexleey kulankii ay 5-2 ku badiyeen.

“Waxaan rajeynayaa inuu nala joogi doono sanadaha soo socda.”

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com