Bayern Munich Oo Ka Jawaab Celisay Xiisaha Manchester United Ee Kingsley Coman Iyadoo Xiddigaan Uu Ka Ordayo Leroy Sane

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Advertisements

Bayern Munich ayaa dooneynin inay Kingsley Coman ka iibiso Manchester United inkastoo uu xiddiga Faransiiska doonayo inuu u wareego Old Trafford sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Jarmalka.

24 jirkaan ayaa u soo muuqday xiddig ka qiimo jaban Jadon Sancho iyadoo Borussia Dortmund ay ku adkeysatay inay dooneyso lacag ka badan 100 milyan ginni.

Coman oo dhanka doorashada ee shaxda Bayern Munich ka sii dhacay ka dib markii uu kooxda lacag qaali ah ku yimid Leroy Sane, waxaana soo jeediyay in United ay rajo ka qabto inay hesho heshiis amaah ah.

Advertisements

Laakiin sida ay sheegeyso Sky Sport Germany, madaxda Bayern Munich ayaan ogolaan doonin in Coman uu baxo xagaagan, waxay weli u arkaan inuu muhiim u yahay kooxda koowaad.

Xiddigii hore ee Juventus iyo Paris Saint-Germain ayaa lagu waramayaa inuusan ku faraxsaneyn imaatinka Leroy Sane iyadoo seddexda xiddig ee afka hore uga dheeli doona Bayern Munich ay kala yihiin xiddigii hore ee Man City, Serge Gnabry iyo Robert Lewandowski.

Laakiin Bayern Munich ulama soo wareegin xiddig weyn si ay u fasaxaan mid kale, halka awooda weerarkooda uu wiiqmi doono marka ay labo heshiis oo amaah ah soo dhamaadaan.

Kooxda Bundesliga ku guuleysatay ayaa dooratay inaysan si joogta ah kula wareegin xiddigii ay amaahda uga heysteen Barcelona ee Philippe Coutinho iyo xiddigii ay amaahda uga heysteen Inter Milane ee Ivan Perisic.

Coutinho oo ciyaaray 23 kulan oo Bundesliga ah xilli ciyaareedkii la soo dhaafay ayaa dhaliyay sideed gool halka uu caawiye ka ahaa lix kale, halka Perisic uu ciyaaray 22 kulan isagoo dhaliyay afar gool islamarkaana caawiye ka ahaa seddex kale.

Advertisements
Advertisements

Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII