Bartilmaameedka Chelsea Franck Kessie oo iska diiday qandaraaskii AC Milan’

Photo/Reuters

Bartilmaameedka Chelsea Franck Kessie ayaa iska diiday heshiis cusub oo uu u saxiixay AC Milan.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa kaliya hal sano uga harsan yahay qandaraaskiisa haatan ee San Siro, iyadoo dhowr kooxood la sheegay inay xiiseynayaan inay beeca xorta ah kula soo wareegaan xagaaga soo aadan.

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay u soo bandhigtay Kessie heshiis ku kacaya 8m (£ 6.9m), kaasoo sidoo kale diirada u saaran Liverpool , Tottenham Hotspur iyo Paris Saint-Germain .

Tuttosport ayaa sheegeysa in xiddiga heerka caalami ee dalka Ivory Coast uu haatan iska diiday heshiis cusub oo ka dhaca Talyaaniga, taasoo sare u qaadeysa rajada Blues ee ah inay hesho xidigan.

Warka ayaa intaas ku daraya in Milan ay u soo bandhigtay Kessie heshiis shan sano ah oo ku kacaya € 6.5m (£ 5.6m) sanadkii.

24 jirkaan ayaa u saftay Milan 184 kulan tan iyo markii uu kaga soo biiray Atalanta sanadkii 2017, isagoo u dhaliyay 30 gool.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Source: warkii.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here