Barcelona oo Xidig kale ku wareejisay Lambarka 7aad uu ka tagay Antoine Griezmann

Barcelona ayaa go’aansatay inay siiso maaliyaddeeda lambarka 7 -aad garabka reer France Ousmane Dembele . 

Lambarka maaliyadeed ee caanka ah ayaa la isticmaalin ka dib markii Antoine Griezmann uu amaah ugu wareegay Atlético Madrid maalintii ugu dambeysay suuqa.

Dembele ayaa hore Barcelona ugu xidhay lambarka 11 -aad. Si kastaba ha ahaatee, tallaabada Antoine Griezmann ayaa u saamaxday inuu gacanta ku dhigo maaliyadda lambarka 7 -aad.

Ousmane Dembele ayaa yimid Barcelona xagaagii 2017 isaga oo kaga yimid Borussia Dortmund lacag waali ah oo ah 135 million.

Tan iyo markaas 24 jirkaan garabka ka ciyaara ayaa Barcelona u ciyaaray 118 kulan, isagoo u dhaliyay 30 gool. Waxa uu haatan ka soo kabanayaa dhaawac muruqa ah oo soo gaaray bishii June. 

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Source: warkii.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here