Barcelona Oo Ugu Dambayn Ka Jawaabtay Wararka Sheegaya In Ay Barcelona & PSG Ka Heshiiyeen Saxiixa Neymar

Kooxda Barcelona aya ugu dambayn ka jawaabtay wararka sheegaya in ay kooxda PSG kala heshiiyeen saxiixa xiddiga Neymar inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Barcelona ayaan wali ka hadhin ama aan iska dhiibin xiisaha ama rabitaanka ay u qabto saxiixa xiddiga Neymar inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Kooxda Barcelona ayaa u muuqata mid ku sii dhawaanaysa in ay PSG kala heshiiso saxiixa xiddiga Neymar kaas oo ku laaban kara Camp Nou xagaagan.

27 jirka reer Brazil ayaa isaga tagay kooxda kooxda Barcelona xagaagii 2017 isaga oo lacag rikoodh jabis ah oo 222 milyan ah ugu biiray PSG Laakiin kadib markii uu 2 sano ku qaatay France waxa haatan lala xidhiidhinayaa in uu ku laabanayo Spain.

Madaxda labada kooxood ayaa kulmay bilowgii todobaadkan Barcelona ayaa ka war qabta in uu wakhtigu ka dhacayo xilli lagu dhawaanayo wakhtigii uu xidhmayay suuqa kala iibsiga xagaagu.

Labada kooxood ayaa wadahadako qaatay Arbacadii iyada oo uu agaasimaha kooxda ee Javier Bordas sheegay in ay labada kooxood ku dhawyihiin in heshiis laga gaadho laakiin aan wali go,aan kama dambays ah la qaadan.

Khamiistii shalay ayay soo bexeen warar sheegaya in ay ugu dambayn labada kooxood ka heshiiyeen saxiixa Neymar laakiin Af hayeenka kooxda Barcelona ee Guillermo Amor ayaa warbixin ka soo saaray arintaas.

Waxa uu xaqiijiyay in ayna labada kooxood wax heshiis ah ka gaadhin saxiixa laakiin ay labada kooxood wadahadalo ku jiraan waliba maalmaha soo socda horumar laga samayn doono wadahalada.

“Waxa aan diirada saaraynaa wakhti fog, PSG waxa ay noo sheegeen in ayna waxba jirin”.

Markii lagu sii riixay in uu ka jawaabo in ay labada kooxood ka heshiin karaan inta uuna xidhmin suuqa xagaagu ayuu Guillermo Amor ku jawaabay” waynu eegi doonaa”.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here